Baydhabo(INO)– Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Federlka Soomaaliya Mudane Cabdullahi sheikh Cali Qaloocoow oo jooga Magaalada Baydhabo ayaa Maanta Maamulka Koonfur Galbeed kala hadlaya Mashaariic ay Midwoga Yurub bixin doonto taasoo ay Dowlad-goboleedyada si toos ah u Maamuli doonaan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dawlada Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qoloocaw oo Safarkiisa ay ku wehelinayeen Xubno ka socoday isla Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta Kulan laqaatey Kusimaha Madahaweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna Kulanka looga hadlayey Ajandiyaal dhowr ah oo la xariira Qorsha Qaranka ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Wasiirro ka tirsan Maamulka.
Cabdullaahi Sh. Cali Qaloocaw Wasiir Kuxigeenka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa kulanka furitaankiisa ku faafahiyey Ujeedada ay Baydhabo u soo gaareen, isagoo yir“Baydhaba waxaan u imaanay inaan kala tashano dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mashaariic ay Midwoga Yurub bixin doonto, taasoo ay maamul goboleedyada ay si toos ah u maamuli doonaan.”
Ku simaha Madahaweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahana Wasiirka beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi ayaa Soo dhaweeyey socdaalka Baydhaba ku yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayey Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskashiga Caalamiga ah ee dowladda Federalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Ku simaha Madahaweynaha ayaa maanta Siminaar Aqoon kororsi ah u furay Ardayda lagu daah furi doono Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo Dhawaan uu Dhagaxdhigay Madahaweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo lagu baran Doono Sharciga iyo Qaynuunka.
Siminaarkan oo la siinayey dhalliyaro wax soo baratay ayaa laga soo xulay Ciidamada kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed , kuwaais oo aqoontooda ay gaarsiisneyd ilaa heer Jaamacadeed.
Barafisoor ka socoday Dawladda Taliyaaniga islamarkaasina ka mid ah aas-aasiyaasha Jaamacadda ayaa Siminaarka bixin doona, iyadoo dhowrka maalin ee Aqoon kororsiga Dhalinyarada u socon doono.