Dhageyso: Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo Kulan Deg Deg Ka yeeshay Xaalada Tiyeeglow

0
175

Baydhabo(INO)- GolLaha wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xaley kulan deg deg  ahaa ka yeeshay Xaalada Degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool oo ay shaley isaga baxeen ciidanka itoobiya iyadoona al –shabaab ay la wareegen gacan ku heynta  Degmadaasi.

Kulanka oo ahaa mid Xasaasi ah ayaa diirada lagu saaray xaalada ay wajaheyso degmadaasi xili ay si iskooda ah ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya,waxana dhinaca kale degmada iyagana isaga baxay maamulki degmadaasi ka ariminayay.

Gollaha wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha ay ciidanka itoobiya ay ku baneenayaan deegaanada qaar ee gobolka Bakool.

Kullanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray der dergelinta dhismaha ciidanka koonfurgalbeed si ay u xaqiijiyaan amaanka deeganada ay ka baxayaan ciidamada itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliyta Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in al shabaab ay odayaal ay ku dhibaateeyeen degmada tiyeegloow.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in sababaha itoobiya ay kaga baxayaan ciidankeeda gobolka Bakool ay qeyb ka tahay arimo dhaqaalo oo soo wajahay ciidanka.

Halkan Ka Dhageyso