Dhageyso: Maamulka Gobolka Bakool Oo Ku Baaqey Dagaal Safdheer Ah Oo Lala Galaayo Xoogaga Al-shabaab

0
232

Xudur(INO)-Maamulka Gobollka Bakool ee Dowladda KG Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay dhawaan ka saari doonaan degmaooyinka gobollka Bakool  Xoogaga Al-shabaab.

bakool

Maxamed Aadan, Guddoomiyaha Degmada Xudur Ee  Xrunta gobollka Bakool  ayaa sheegay inuu soo dhamaaday kulan ay iskugu yimaadeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bakool saraakiisha ciidamada  iyo maaamulka gobolkaas kulankaas oo looga arinsanayey sidii  Al-shabaab loogu qaadi lahaa dagaal mideysan oo looga saarayo deegaanada ay gobolka kaga sugan yihiin xiligan.

Gudoomiye Maxamed Aadan,Waxaa uu intaasi ku Daray in ay la Shaqeeyn Doonan Maamulka Degmada Rabdhuure oo ay Shalay Ciidamadda Dowlada Soomaliya iyo Kuwa Amisom Kalla wareegeen Al-shabab

Ugu Dambeynti,Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga waday deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ee gobollka Bakool oo dagaalo kala duwan ku dhaxmareen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur, Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here