Ciidamadii Ethiopia ee kusugnaa magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in gebi ahaanba baneeyeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo.Warkan waxaa xaqiijiyay afhayeenka ciidamada AMISOM Col.Xaamud.Ciidamo kasocda AMISOM ayaa buuxiyay goobihii ciidamada Ethiopia ka baxeen.
Ciidamada Ethiopia ayaa magaalada Baydhaba kaga sugnaa warshadii Xaseey iyo garoonka diyaaradaha.
Afhayeenka oo la weydiiyay in ciidamada AMISOM ku filanyihiin inay buuxiyaan dhamaan goobah ciidanka Ethiopia ka baxay ayaa wuxuu ku jawaabay maya oo kuma filna.Dowlada Ethiopia ayaan wali wax hadal ka soo saarin ka bixitaanka ay ka baxeen Baydhabo .Hadalka afhayeenka hoos ka dhagayso
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/07/Col.Cali-Adan-Xaamud.mp3]Idale News Online