Dhageyso: Cali Max’ed Geedi oo wareysi siiyey Idaacada Alfurqaan ee taageerta Alshabaab

0
305

Prof, Ali Maxamed Geedo oo ahaa Ra’iisul wasaare hore ee Soomaaliya  islamarkaana ka mid ahaa siyaasiyiintii dhawaan ka qeybgalay shirka muranka badan dhaliyey ee Nairobi lagu qabtay  ayaa waxaa uu wareysi siiyey idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab.]

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/07/Cali-Maxamad-Geedi-16-07-20131.mp3]

Ali Geedi ayaa inta uu ku jiray wareysigan waxaa uu difaacay siyaasada dowlada Kenya waxaana uu sheegay inay yihiin dowlad abaal u gashay dalka Soomaaliya. Taasi badelkeedana aysan geyin in wax laga sheego.

aliGeedi

Dhinaca kale Ali Geedi ayaa waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay dadka ku tilmaamaya Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe inuu yahay hogaamiye jabhad. Isagoona sheegay inuu Ahmed Madoobe yahay nin usoo halgamay gobollada Jubooyinka oo halkaasi ka saaray kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Ali Geedi waxaa uu si adeg u difaacay shirkoodii Nairobi kaasi oo uu ku sheegay inay isugu yimaadeen Soomaalinimo. Waxana uu sheegay inaysan siyaasada aheyn  mid maalinkasta meel taagan oo ay isbadel badan tahay. Raga isku yimidna ay aragtidaasi isku keentay.

Wariyaha wareysiga qaadayey oo ka mid ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa su’aalahiisa waxaa laga dareemayey inuu weerar shaqsi ah ku qaadayey Prof, Ali Maxamed Geedi, isagoona mararka qaar Ali Geedi iyo Ahmed Madoobe ku tilmaamaya rag xasuuq u geystay shacabka Muqdisho iyo Kismaayo.

Laakiin wariyahan ayaan isugu arag in isaga iyo kooxda uu ku jiro yihiin kuwa dhabta ah ee xasuuqa ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Xigasho KM

Idale News Online