Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo dhowaan laga soo saaray isaga iyo maleeshiyaad daacad u ahaa ayaa beeniyay wararka sheegayay inuu la kulmay saraakiil ka tirsan Shabaab.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/wareysi-xasan-qaasim-warsame-ok-.mp3]Barre Hiiraale oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay been abuur tahay in saraakiil Shabaab ah uu la kulmay, isagoo xaqiijiyay inuu wali ku sugan yahay duleedka Kismaayo.
Mar Col Barre la weydiiyey in ay uu kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab ayuu waxuu Barre ku jwaabey “Warkaas waa been abuur, anaga iyo Al-Shabaab isku hadaf ma nihin, duleedka Kismaayo ayaa joognaa, wax aan dhib aheyn oo aan Kenya iyo Raaskambooni ku qabno ma jiro”ayuu yiri Barre Hiiraale.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab iyo iyaga ay wada joogaan duleedka Kismaayo, isla markaana aagag kala duwan kala degan yihiin sida uu yiri.
“Al-Shabaab waligood agagaarka Kismaayo aag bey ka degan yihiin anaga dhinac baan ka deganahay, anaga waxaa nahay cadawga labaad ee Kenya, waxaa difaaceynaa sumcadii iyo karaamadii umada Soomaaliyed sidii aan dib u soo celin laheyn”ayuu yiri. Barre Hiiraale ayaa dhowaan sheegay in joogo deegaan Al-Shabaab ka taliyaan, isla markaana ay isku cadaw yihiin.
Dagaalo dhamaadkii bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Kenya oo taageerayay Raaskambooni ay ka soo saareen magaalada ciidamada dowladda iyo taageerayaasha Barre Hiiraale.
Idale News Online, Mogadishu