DFS oo Shir Caalami ah ka sheegtay in Dhulka Soomaaliya La Iibsan Karo

0
189

Nairobi(INO)- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalaniga Prof Abdullahi Sheikh Ali “Qalloocoow” iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb-galay shir caalami ah oo la xiriira “African Green Revolution Forum 2016” oo looga hadlaayey sida loo horumarin karo beeraha iyo wax soo saarka Africa.

Shirka ayaa intooda badan soo dhaweeyay hormarka ay somaaliya ay sanadahii dambe ay ku talaabsatay dhanka wax soo saarka, waxayna muujiyeen in wax soo saarka somaaliya seddexda sano ee soo socota kor u kaci doona.

Wasiir Ku-xigèenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali , oo halkaas hadal ka jeediyay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee seddexda sano 2017-2019 guud ahaan gaar ahaan wuxuu ku dheeraaday Qorshaha Horumarinta Beeraha iyo sida Dowladda Soomaaliyeed ay diyaarka ugu tahay soona dhoweyneyso maalgashiga shisheeye iyo tan la xiriirta gaar qeybta wax soo saarka.