Waa Imisa Lacagta Maanta Bad baaday Ee Khaatka Awal ku bixi jirtay?

0
190

Muqdisho(INO)- Diyaaradihii Khaatka ka degi jiray Magaalada Muqdisho garoonka Diyaaradaha Aden Cade maanta ma tegin iyagoo u hogaansamay Amarkii kasoo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa dadka qaarkood ay maanta ku xoomeen oo lacag badan laga siinayey Khaatkii xalay haray oo dadka Marqaanka ah ay ku fariisteen maanta guryahoodii.

Saameynta Khaatka xitaa waxa uu ku yeeshay Haweenka Maqaayadaha Shaaha oo Marfish ay ku qayilaan dadka qaarkood ahaan jirtay galbihii iyo  fiidka Habeenkii maanta waxay ahaayeen kuwo lacag la’aan lasoo daristay.

Beerta Khaatka ayaa lasoo sheegayaa in dhowr meel lagu iibinayey Khaat xalay baryey oo dadku isku dagaalayeen lacago badana la is dul dhigayey si midba midka kale uga dul qaado oo qayilaad isaga uhelo.

Gaalkacyo iyo Meelo kale oo Laas Caanood ka mid tahay waxa la sheegay in Diyaarado Khaat siday ay maanta ka dageen Amarkii Dawlada Soomaaliyana Cagta Mariyey.

Hadaba waxa la sheegay in maanta keliya ay bad baaday Lacag dhan ($5,000,000 Dollar) Shan Milyan Dollar Lacag kabadan sida dad lagu kalsoon yahay ay soo daraaseeyeen.