Marko(INO)- Wararka ka imaanaya Magaalada Marka Ee Gobolka SH/Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal Xoogan uu ka socdo Caaawa Magaaladaasi.
Galabta ayaa Dagaalka uu ka dhex qarxay Maleeshiyo Beeleed wada deggan Magaaladaasi oo dhowr jeer oo horena sidaan isku fara saaray.
Xaafada Buula jaan ayaa Maqribnimadii Rasaas culus laga maqlayey iyadoo Dabaqa Iimaan Center Rasaasta Daba jeexa ay kasoo dhaceyso.
Beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal ayaa dagaalka uu udhaxeeyaa lamana sheegi karo khasaaraha inta uu la eg yahay maadaama dagaalka uu weli socdo.
Halka loo yaqaano Waa Cuneynaa Waa Cabeynaa Ee Magaalada Marka Cadeey ayaa mid ka mid ah Maleeshiyaadka Beelaha Dagaalamaya ay kusugan yihiin halka Maleeshiyaadka kalena ay gudaha Magaalada kusugan yihiin.
ISHA KU HAAY IDALE NEWS OO LA SOCO WIXI SOO KORDHA INSHA ALLAH