DF Soomaaliya oo War ka soo saartay go’aanka ay Al-Shabaab ee Internat Mobile-ka

0
184

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxuloow Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horreysay amarka ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu joojinaayay adeegga Internet Mobaolka.War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa lagu caddeeyay in dowladdu aysan soo saarin amar lagu xiray ama lagu casbi geliyay shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgalla.

“Iyadoo laga duulayo siyaasadda dowladda ee ku dhisan hirgelinta ganacsiga xorta ah, Wasaaradda Warfaafinta waxay caddeynaysaa in aanu jirin amar ka soo baxay Dawladda  Federaalka Soomaaliya oo lagu xiray ama lagu cabsi geliyey shirkadaha Isgaarsiinta inay joojiyaan adeegyadii ay u hayeen bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale Dowladdu waxay ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashiyaasha caalamiga ah u xaqiijinaysaa  sida ay uga go’an tahay  inay  ku caawiso siday  uga hirgelin lahaayeen dalka oo dhan ganacsi xor ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu wargeliyay dhamaam Shirkadaha isgaarsiinta inay shaqadooda sii wataan oo aysan dhag jalaq u siin handadaada kaga imanaysa nabad diidka.

Ugu dambeyn dowladu waxay si adag u canbaareenaysaa hanjabaada, dhaca iyo caburinta kooxaha nabad diidka ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkaana  waxay balan qaadaysaa inay  ku dadaaali doonto inay sugto amniga ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo War-saxaafadeedka uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

dhuxuloow

Idale News Online