Umada konfurta Degto, waxey ahaan jireyn Dawlad oo ilaaliso Xaququl insaanka, siisana deganasho lucafada iyo inta la dulmiyey.
Umadeena wayka xadaarad dheer yihin reer Galbeedka.
Sababaha ay isu raaci karaan 6 gobol waa:
1-Taarikh ahaan (Geledi iyo Gasare Gude)
2- Dhaqaan ahaan (Beeraley iyo Banaadiri)
3- Diin ahaan (Sheik Awes iwm)
4-Luqad ahaan (may-may).
5-Dhalasho ahaan,
6-Degaan ahaan.
Sida halkaan ku cad Mapka Qarnigii 17todobaad Geeska Afrika xaalkisa sida uu ku sugna, Aduunyada Maktabooyinka waaweyn qofkii tago waa ka baran karaa Taariikh Geeska Africa. Maah-Maah (suuhin dhuntey abaa liin nagee).
Boqortooyda Geledi waxaa burburiyey Taliyaaniga waayo way la dagaalmeyn.
Shacabka Koonfurtna waxaa Colonyo-Adoonsi. Kali caseley waxaa ku dhimatey u yaraan 1,000,000,000 (hal miyoon Ruux) oo DigilMirifle, Jareere weyne, Biyomaal iyo Banadiri.
1960 markii gobonimda la qaatina, xukunkii waxaa boobay Shakhsiyaad Qabil u adeegayo, kuwas Barakicin ku sameyey Umada Degto Koonfurto, Ku qasabtey inay ku noolaadan mudo 60 sanno Gumeysi Qabiil.
Annagu Dhulkii Awooweyaalkeen aan ka dhaxalney aan Maamul u sameysaney. Taariikdii iyo dhaxalkii Awooweyaalkeeni in Muda ah sistem Dawladeed lanoo xoogey ayaan hadeer Maamuul u sameyseyney-(Xalaaley ma Dhunto).Dawlada Koonfur Galbeyd way dhalatey wayna soconeysaa.
6 Gobol wagii horeba dadbaa samestey ulaa ayaa loo samestey. uljeedada ugu weyna waxay tan heer tagaan oo ah. In konfurta dhul ahaan iyo Dad ahaaba loo qeybsado.
Qabi’ilada qaarkood waxey qaateen Fikradi gumeysiga oo ah, Dadkaa koonfurta dego Taliyaaniga iyo Ingiriiska waa gumeystay Idinkana Gumeysta.!
Waxaan kula talinyaa Somaliya Qofkasta waxii Eebbe uu siiyey inuu ku qanco. Dhulka Somaliya waa dhul weyn waa naga badanyahey, waxaan ila quman inaan iska dayno Dulmiga.
Waxaan u balanqaadnay sida ay na fareyso, Diinteena, Taariikhdeena iyo Dhaqankeenaba. Qof kasta Somaali ah waa soo dhaweynayna waana deegaameynaynaa, waa haduu wata Islaamnimo.
Qof kasto oo doonayo in wax ka ogaado Taarikhda Umadaan, ha ila soo xiriiro. Qofkii Dood qabana Luuq Aw-Maadow ha tago.
Wabilaahi Altowfiiq
Wasalaam
Eng.Salah Shek Osman.