Warar dheeraad ah oo aanu ka helnay kulankii cashada iyo ducada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayna u idlaayaan madaxda Somalia ayaa sheegaya in madaxda dowladu kulankaas ku codsatay in aaska kadib madaxda ka timid goboladu ay kusii nagadaan Muqdisho si loo yeesho wadatashiyo ku aadan arimaha Somalia.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa isagu sheegay in isagu meeshan uusan u imaanin siyaasad iyo arimo kale balse uu uyimid oo kaliya ka qeybgalka aaska Raysulwasaarihii hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen sidaas darteedna uu Garoowe ku laabanayo.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa isla shalay dib ugu laabtay Garoowe waxaana Muqdisho wali ku harsan madaxweynaha Jubaland iyo wafdigiisi oo Muqdisho ujooga balamo ay la lahaayeen Qarmada Midoobay iyo Beesha caalamka.
Lama oga diidmada uu madaxweyne Gaas ka diiday Villa Somalia inuu Muqdisho sii joogo ay laalayso rajadii laga qabay in xiriirka Dowlada dhexe iyo Puntland wax iska badali doono.
Idale News Online