Sirdoonka Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay hadda awood u leeyihiin inay dhageysan kaaan telefoonada gudaha si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha weerarka ku qaaday xarumaha dawlada.
Raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay xildhibaanada baarlamaanka u sheegay in dowladdu ay heshay qalab ay ku dhageysan karto kulana socon karto isgaarsiinta gudaha gaar ahaan wada hadalka taleefoonada iyo fariimaha ay ku wada xiriirayaan kooxaha dagaalka kula jira dowladda.
Wuxuu raysal wasaaraha sheegay xildhibaanada in ka dib weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, hay’adaha amaanka ay bilaabeen hababka looga hortagayo weerarada Al-shabaab ay ku soo wadaan magaalooyinka kala duwan ee dalka, iyadoo lala soconayo wada hadalka iyo fariimaha ay isdhaafsanayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha soo diyaariya weerarada qaraxyada ah.
Hadalka Raysal wasaaraha ayaa soo ifbixiyey tuhun ay horeyba dadweynuhu u qabeen oo ahaa in shirkadaha gaarka ee adeegyada taleefoonada bixiya la dhageysto oo lala socdo wada sheekeysiga gaarka ah ee dadweynaha, inkastoo uu Ra’isul wasaaruhu sheegay in qalabkan ay hadda heleen aan loo ogoleyn ilaa baarlamaanku ansixiyo sharciga waxa uu ugu yeeray la dagaalanka argagixisada mana uusan sheegin halka ay ka heleen qalabkan.
Idale News Online, Muqdisho.