Waxaa sii socda maxkamadeynta ay dowlada Masar la beegsaneyso hogaamiyayaasha xisbiga Ikhwaan muslimiinka ee laga mamnuucay wadankaasi.
Maxkamada Masar ayaa maanta (sabti) dil ku xukuntay sadex kamid ah hogaamiyayaasha Ikhwaanka kuwaasi oo weli aan gacanta lagu soo dhigin, balse la maxkamadeeyey iyagoo maqan.
Bishii April ee lasoo dhaafay ayey maxkamad kale oo ku taal magaalada Minya ku xukuntay 700 oo kamid ah taageerayaasha Ikhawaanka iyo hogaamiyayaashooda dil.
Dadkaasi horey loo xukumay ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanka Masar Maxamed Badiyee oo hada dacwad kale lagu soo oogay, midaasi oo iyaduna wadata xukun dil ah.
Bisha Luulayo ayaa lagu wadaa maxkamadeynta labaad ee Maxamed Badiyee inay bilaabato mana cada in mar labaad lagu xukumi doono dil iyo in kale. Dhinaca kale racfaankii ay ka qaateen xukunkii hore ee dilka ahaa ayaa jawaabtiisa la sugayaa 21ka bishan June.
Idale News Online, Cairo.