DF soomaaliya oo aas qaran u sameyneysa Cabdirsaaq Xaaji Xuseen

0
219

Muqdisho:Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay qaabka iyo goobta lagu aasayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirsaaq Xaaji Xuseen Xasan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii ku timid raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya. War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in raysul wasaaraha oo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacbiga Soomaaliyeed-ba uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoyska, ehelada, qaraabada, saaxiibbada iyo gabi ahaanba ummadda Soomaaliyeed ee uu ka tagay marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen Xasan.

Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay waddani halgamaa ahaa, kaas oo ka mid ahaa halyeyadii dhaliyey xornimada jamhuuriyadda Soomaaliya. Wuxuu Alle ka baryey inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, intii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa magacaabay guddi heer qaran ah oo qabanqaabinaya aas qaran oo loo sameeyo marxuumka, kaas oo uu hoggaaminayo raysul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya, mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlammaanka fedralka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

\Cabdirisaaq-Xaaji-Xuseen-300x215

Idale News Online,Muqdisho.