kismaayo: Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in cidamada Kenya la sheegay in magaalada ay ugu baxayaan mudo ka yar 24-saacadood waxaana amaanka magaalada la wareegaya ciidanka Siiraaliyoon ee ka qeybta ah kuwa AMISOM.
Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxa ay ku sugnaayeen Kismaayo waxaana hada la sheegay in ay ku wajahan qeybo ka mid ah gobalka Gedo. Maamulka KGM ah ee juba ayaa waxa ay sheegeen in aysan jecleysan ka bixista ciidanka Kenya ee magaalada Kismaayo iyaga oo horay halkaas uga dhigtay dibad baxyo looga soo horjeedo in ciidanka Kenya ay magaalada ka amba baxaan.
Taliyaha ciidanka Ciidanka Kenya oo Kismaayo shalay galinkii danbe tagay ayaa waxa uu ciidanka ku wargaliyay in ay u diyaar garoobaan ka bixista magaalada Kismaayo iyaga oo u jiheesanaayo dhanka iyo gobalka Gedo.
Ugu danbeyntii ciidanka Kenya ayaa hada waxa ay bilaabeen xirxirashada qalabkooda waxa ayna u badan tahay in sacadaha soo socda ay magaalada gabi ahaan ka baxaan waxaa fariisimahooda u diyaar ah ciidanka Siiraaliyoon.
Idale News Online, Kismaayo, Somalia