Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaah Naxariistii Janno hasiiyee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Cabdirizaq Xaaji Xusseen .
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeen Madxaweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay Marxuum C/Risaaq inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Idale News Online