DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Toogtey

0
178

Muqdisho(INO)-Wararka aan ka helayno Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhaweyd kooxo hubaysan ay Degmadaasi ku dileen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

breakingIdaleNews
Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan C/laahi Qayaad oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko.
Ragga dilka geystay ayaa watay qori noociisa uu yahay Ak 47 waxaana la maqlaayay dhawaqa rasaas xoogan oo ay ku fureen Xildhibaanka xilli uu saarnaa gaari yar.
Xilliga falka dilka uu dhacaayay ayaa Xildhibaanka gaarigiisa wuxuu taagnaa meel ku dhaw Isgoyska Umbulutooriyada Degmada Xamar jajab, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii geystay falka dilka ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad u badan ayaa hada goobta soo buux dhaafiyay, iyaga oo qabtay hal ruux oo looga shakiyay wax ka ogaanshaha dilka Xildhibaanka.
Kooxdii dilkaan geysatay ayaa baxsatay waxaana ay ku carareen Xaafadaha Degmada Xamar Jajab, iyadoo aysan jirin cid ka daba tagtay.
Idale  News Online, Muqdisho.