Muqdisho(INO)-Mudaniyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali.
Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa soo xaadirtay 220 Xildhdibaan iyadoo kulanka oo goob joog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu khudbad ka jeediyay isagoo ka codsaday Xildhibaanada.Waxaa ogolaatay 191 Xildhibaan waxaana diiday 22 Mudane.
Idale News Online, Muqdisho.