Galkacyo(INO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in uu goor dhaw ka dhacay magaaladaas qarax lala beegsaday Gudoomiye kuxigeenka labaad ee gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur Aw yare, oo marayay mid ka mid ah jidadka laamiga ah ee laga dhisay magaalada Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in uu gudoomiye kuxigeenku ka badbaaday qaraxaas, balse ay jiraan dad kale oo wax ku noqday sida ay wararku ay xaqiijinayaan.
Warar ayaa sheegaya in ay dhaawacmeen 7 qof oo ahaa dad rayid ah oo ka adeeganayay Suuqa Xero dayax ee magaalada Gaalkacyo.
Laamaha amaanka ayaa ciidamo dheeraad ah udiray goobta qaraxu uu ka dhacay, waxaana ay diideen in la galo aaga, inkastoo aan wali la helin faahfaahin dheeri ah.
Lasoco Waxii Ka Soo Kordho.
Idale News Online, Galkacyo.