Jalalaqsi(INO)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa gacanta ku soo dhigay rag Shabaab ah oo qaarkood dagaalamaayay.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada Dowladda oo ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jalalaqsi ayeey ku soo qabteen raggaan Shabaabka ah oo tiradooda ay gaareyso shan ruux oo labo ka mid ah ay dagaalameen.
Taliyaha ciidamada dowladda ee Degmada Jalalaqsi Cumar Maxamed Kunteenar ayaa sheegay howlgalka lagu soo qabtay Shan ruux islamarkaana ay baaritaan ku wadaan.
Wuxuu sheegay in labo ka mid ah raggaasi ay wateen hub oo markii ay isku dayeen ciidamada inay soo qabtaan ay dagaalameen, balse ugu dambeyn ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray Taliyaha in shantaan ruux ay ku xiran yihiin Saldhiga Magaalada Jalalaqsi, baaritaanana ay ku socdaan.
Taliyaha ciidamada Dowladda ee Degmada Jalalaqsi Cumar Maxamed ayaa warkiisa intaasi wuxuu ku daray in ciidamada ay maalin waliba sameeyaan howlgalo roondooyin ah oo ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Jalalaqsi si loo soo qab-qabto Shabaabka duleedka Magaaladaasi ku soo dhuunto ee Magaalada soo weerara.
Xoogaga Shabaab ayaa ku dhuumaaleysta duleedyada Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.