Isgaarsiinta Degmooyin Ka Mid Ah Gobalada Gedo Iyo Bay Oo Maalintii Sedexaad Hawada Ka Maqan

0
206

Diinsoor(INO)-Waxaa maalintii Sedexaad  Hawada ka  maqal isgaarsiinta Degmooyinka Tirsan Gobolka Gedo iyo Bay kadib markii Ciidamada Ururka Al Shabaab ay irdaha ulaabeen shirkada isgaarsiinta  Hormuud ee Degmooyinkaasi.

telecom_tower1

Degmooyinka Baardheere, Ceelwaaq, Diinsoor iyo Ufurow oo ka kala tirsan Gobolka Gedo iyo Baay ayaa maalintii labaad waxa ka maqan shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee inta badan ka howlgasha Goboladda Dalka Soomaaliya.

Goobjoogiyaal ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Shabakada Idale News Online  in tani ay ka dambeysay kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay Ururka Al Shabaab iyo howl wadeenada shirkadahaas.

Idale News Online, Diinsoor.