Kismaayo(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo oo uu ka soconayo Banaanbax looga soo horjeedo Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku kala diray Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa sheegaya in Fagaareyaal ku yaala Magaalada Kismaayo lagu gubay Calanka Soomaaliya.
Boqolaal Ruux oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada kuwaas oo meel Fagaare ah ku gubay Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Sawirka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.
Wararka ayaa sheegaya in Dadka Dibad baxa dhigayay uu la hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Labaad ee Maamulkaasi C/qaadir Luga-dheere oo sheegay in ay ku saxan yihiin Gubitaanka Calanka Soomaaliya.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa si weyn u Taageera Dowladda Kenya oo Danahooda ku fushada,waana taa mida keentay in ay Gubaan Calanka Soomaaliya.
Mida kale Maamulka Axmed Madoobe oo ka taliya qeyb kamid ah Gobolka Jubbada Hoose,maadaama uusan gacanta ku hayn Jubbada dhexe iyo Gedo ayaa Dadka Siyaasada ka hadla waxaa ay qabaan in ay tahay Arrintu mid Kenya Saynta ay kula jirto.
Idale News Online, Kismaayo




Horaan uogeen ninka meesha jooga iney kukuuyada keen sadeen si.uu.ugu adeega danahoodana meesha ujooga waa in la iska celiyaa maadaama ay calanka buluuga ah gubeen soomaali ma.aha ee waa keenyaati shaar soomaali gashan waana cayrsaneynaa isaga iyo adoomada uu dabada ku wato bicoownilaah