Burhakaba(INO)–Maamulka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegay in Ceelka laga qodayo Buur hakaba uu yahay Ceel Gacmeed islamarkaana ay fulinayaan Dad ka soo jeeda Degmadaasi oo Qurbaha jira.
Maamulka waxaa uu sheegay in marka Jiilaalku jro ay Fuustada Biyaha gaari jirtay Lacag ka badan 100,000 oo Sh. So ah, waxaana uu intaasi ku daray in hadda ay wadaan Qoryashe lagu kordhinayo tirtada Ceelasha ee Degmada Buur hakaba oo dhibaato badan ay ka soo gaartay Dadka Degmadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Buur hakaba Xusen Max\ed Maankaalow oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay Dadaal badan ku bixinayaa sida looga hor tagi karo Biyo la’aanta Degmadaasi oo Dadkeeda ay dhowr jeer uga barakaceen.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Burhakaba, Bay