RW, Soomaaliya oo shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweyne

0
172

Muqdisho(INO)- Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay inuu doonaayo Afarta sano ee soo socota inuu hogaamiyo Somaliya, islamarkaana uu la yimaado isbedel siyaasadeed.

Waxa uu sheegay dalka xilligaan inuu u baahan yahay qof ka samata bixiya dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira, sidoo kalena dhameystira howlaha Qaran ee yaala.

Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay qorshihiisa inuu yahay dalka inuu ku soo dabaalo Xasilooni Siyaasadeed iyo sidii Shaqo loogu abuuri lahaa Dhalinyarada Somaliyed.

Ugu dambeynti, Madaxda ugu sareysa Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay inay yihiin Musharaxiin mid waliba doonaya ama u hanqal taagaya Kursiga Madaxtinimada dalka.