Wasiirada Arrimaha Dibada John Kerry iyo Gaashaandhiga Chuck Hagel, ee dalka Maraykanka ayaa ka dhaadhicin iyo fasiraad wakhti dheer ku qaadatay ka dib u muuqda in ay guul kala hoydeen, golaha mudanayaasha dalka Maraykanka oo Madaxweyne Obama goostay in uu qorshihiisa uu dalka Suuriya ugu duulayo hor geeyo, si ogolaansho uu uga qaato waaxda sharci dejinta sida Madaxweynaha Laftiisu sheegay.
Inkasta oo aan qorshaha duulaanka Suuriya lagu qaadayo aanay mudanayaashu u qaadin cod oo aanay ogolaan, waxa soo baxayay natiijo la xidhiidha sida ay mudanayaashu ugu qanceen, cadaymihii Obama iyo maamulkiisu ku dalbanayeen weerar lagu qaado dalka Suuriya, waxaana muuqda in wakhtigan boqolkiiba lixdan ay Congress-ku taageersan yihiin duulaankaas in Maraykanku galo.
Obama ayaa wakhti sii horaysay kulan uu la qaatay hogaamiyayaasha Congress-ka ku sheegay, in aan ciidamo lug ah loo diri doonin dalka Suuriya Isla maraana duqayn inta loo baahan yahay oo dhinaca cirka ah lagu qaadi doono, dalkaas si buu yidhi, maamulka Bashar Al Asad looga ciqaab mariyo hubkii kimikalka ahaa ee uu shacabkiisa u isticmaalay.
Idale News Muqdisho