Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa shuruud adag ku xiray wadahadal uu la galo Dowladda Soomaaliya,xilli Puntland ay shaacisay in xiriirka ay ujartay Dowladda federaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in shuruuda ay wataan ay tahay hadii ay yihiin maamulka Puntland in soo jeedinta ay sameeyeen ee ku aadan qodobada wax laga bedelay Dastuurka KMG ee Soomaaliya lagu soo celiyaa sidii hore.Wuxuu sheegay Faroole in 31 qodob laga bedelay Dastuurka Soomaaliya sidaasina aysan aheyn tii lagu heshiiyay sida uu yiri.
“In dib loogu soo celiyo qodobada aan sheegnay in laga bedelay Dastuurka ma’ahanee wax kale oo jira malahan si kalena Dowladda wadahadal ula geli mayno”Ayuu yiri Faroole.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhowr mar ku celiyay in Dastuurka Soomaaliya aan wax laga bedelin,hadii wax laga bedelayana go’aankaasi ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Idale News Muqdisho