Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Amaaney shir madaxeedkii IGAD ee ka dhacay Muqdisho

0
179

Muqdisho(INO)—Wakiilka urur gobaleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya danjire Mahamed Cadbi Afey ayaa ku tilmaamay mid taariiqi ah shir madaxeedkii IGAD ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya.

Danjire Afey oo maanta shir jaraa’id  ku qabtay magalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa sheegay in shirka madaxda dalalka IGAD ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho  uu ahaa  mid tariikhi ah isla markaana muujinayay horumar wanaagsan ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga.

Danjire Afeey ayaa dowladda Soomaalia ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaliyeed uga mahadceliyay hirgalinta iyo sida nabadgalyada ah ee Muqdisho uu ugu qabsoomay Shirkii Madaxda dalalka IGAD.

Safirka Soomaaliya uu fadhiya dalkan Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu shirka uu caddeyn u ahaa in Soomaaliya ay martigalin karto shirar heer caalami ah maadaama uu soo hagaagay ammaanka dalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa marti galisay shir madaxeedkii 28aad ee  IGAD, kaas oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweyneyaasha Kenya, Yugandha, Ra’iisul Wasaaradaha dalka Itoobiya, iyo Wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD.

Hase yeeshee waxaa shirkan ka baaqday Madaxweynayaasha dalalka Sudan,Koofurta Sudan iyo Jabuuti. Waxana dowlada Federalka lagu dhaliilay xirnaanshaha wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoo weliba ay ku soo beegantay xilli mid kamid ah labada ciidood ee muslimiinta leeyihii ee ciid Adxa loo  dabaaldegayay.