AMISOM oo sheegtay in hawlgal lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsan

0
192

Muqdisho(INO)- Taliska Ciidanka Midowga Afrika, ayaa waxaa uu sheegay in hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Gudoomiyihii Ururka Al Shabaab ee Deegaanka Awdheegle.

Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet, ayaa sheegay in habeenkii Arbacada ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom hawlgal qorsheysan ugu galeen Deegaanka Awdheegle.

Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in hawlgalkaasi lagu qaarajiyay nin uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan, kaasoo Shabaabka ugu magacawnaa sida uu yiri Gudoomiyaha Awdheegle.

Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliya (SONNA), ayaa ku waramaya in hawlgalka ay ku soo qabsadeen saanad militari, oo Xoogaga Shabaabku ay leeyihiin.

Korneyl Kibet oo wax laga weydiiyay khasaaraha hawlgalkaasi ka soo gaaray Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo.

Kibet oo hawlgalkani ku macneeyay mid qorsheysan, ayaa bidhaamiyay in uu u fulay, sidii ay labada ciidan ugu talla-galeen.

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa billihii ugu dambeeyay ku soo badanaayay hawlgalada ay sida qorsheysan kaga fulinayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, oo gacan ka helaaya Militariga Mareykanka.