Shantii sano ee lasoo dhaafay, gudiga difaaca wariyaasha ee CPJ waxay shaaciyeen 404 wariye in lagu qasbay inay isaga cararaan guryahooda sabab la xiriirta shaqadooda, marka loo eego warbixinta ay soo saartay hayada CPJ.
Wadamada ay ka carareen wariyaashaasi ayaa la sheegay inay ugu horeeyaan Iran, Syria, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hayada badbaada saxafiyiinta ee CPJ.
“In wariyaasha lagu qasbo ka haajirida qalalaasaha iyo cabsi gelinta waa hab ka hor imaanaya xuriyada hadalka”sidaasi waxaa tiri Maria Salazar-ferri agaasimaha CPJ ee taageerada barnaamijyada.
Waxay sheegtay in wariyaasha lagu qasbo inay isaga cararaan guryahooda iyo qoysaskooda sabab la xiriirta iyaga oo la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka shaqada ah.
Sababaha ay wadamada Somalia, Syria iyo Iran ay uga cararaan wariyaasha ayaa lagu kala sheegay Iran oo ah wadanka ugu xeritaanka badan wariyaasha ka shaqeeya dalkaasi.
Syria oo lagu tilmaamay wadanka ugu qatarta badan oo ay wariyaasha ka shaqeeyaan, iyo Somalia oo lagu sheegay wadanka dilalka ay kala kulmaan wariyaasha ka dhex Shaqeeya.
Idale News Online.