Nuunow wuxuu sheegay in Kismaayo uu ka soconayo gumaad ka baxsan beni’aadanimada isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.
“Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacaya dilal, kufsi, dhac iyo waxyaabo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, marka waa in laga hortagaa” sidaas waxaa yiri madaxweyne Madoobe Nuunow.
Waxa uu sheegay Madoobe Nuunow in ay ku baaqayaan in la joojiyo gabood-falada ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee ka soconaya magaalada Kismaayo isagoo eedeeyay Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Islaam Madoobe.
“Dhibaatooyinka ka dhacaya magaalada Kismaayo, waxaa ka dambeeya dad sheeganaya maamul oo aan lahayn khibrad maamulnimo” ayuu yiri Madoobe Nuunow.
Dhowaan ayay ahayd markii maamulka lixda gobal ay ku soo fashilmeen codsi ay ka raadiyeen dowladda dhexe waxaana laga biyo diiday in loo aqoonsado lix gobal.
Idale News Online, Baydhabo.