Dab Xooggan Oo Ka Kacay Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe

0
197

Jowhar(INO)-Wararka ka Imaanaya Magaalada Jowhar Ee xarunta Gobolka shabellaha dhexe,  ayaa sheegaya in Halkaas uu Maanta ka kacay Dab dhaliyay Khasaare Maaliyadeed, wallow aan ilaa hadda la Ogaan in uu sababay Khasaare Nafeed.

Dabka  ayaa saaka waxaa uu mar kale ka kacay Suuqa shidaalka ee Xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, halkaasoo dhowr bilood ka hor uu dab ka kacay.

Qeybaha kala duwan ee bulshad, maamulka degmada iyo kan gobolka ayaa durba u gurmaday goobta uu dabka ka kacay, waxaana nasiib wanaag ka howlaha daminta dabka ka qeyb qaadanaya baabuurta dab damiska ee uu dhowaan loogu deeqay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dabkan ayaa si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka kacay, waxaana lagu soo waramayaa in mid ka mid ah Konteenarada shidaalka uu dabka ka bilowday.

“Dabkan mar kale ayaa meeshiisii hore ee shidaalka xaafada Hantiwadaag uu ka dhacay, dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay oo ka qeyb qaadanaya sidii loo damin lahaa, baabuurta dab damiskana waa ka qeyb qaadanayaan”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool xaafada Hantiwadaag.

Si kastaba ha ahatee, Bishii October  ee sanadkii tagey ayay aheyd markii dab ka kacay suuqa shidaalka xaafada Hantiwadaag uu gebi ahaanba baabi’iyay qeybo badan oo suuqa shidaalka ahaa, waxaana uu geystay khasaare hantiyadeed oo aad u fara badan.

Ugu Dambeyntii Dabka ayaa la sheegayaa in uu sidoo kale weli yahay mid sii Baahaya Ciidamada Booliska iyo Gaadiid Deb damis ah ayaa Goobta tegay kuwaa oo isku Deyaya in ay Dabkaas Baqtiiyaan.

Idale  News Online, Jowhar.