DEG DEG: Dagaal Ba’an Oo Xiligan Ka Soconayo Gudaha Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan

0
204

Baladweyne(INO)Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiligan dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed uu kasocda Galbeedka Magaaladaasi gaar ahaan Xaafada Howl-Wadaag.

breakingIdaleNews

Dagaalka oo ah mid culus ayaa socda in kabadan saacad, waxa uuna Dagaalka xoogiisa uu kasocdaa halka loo yaqaano Siigaalow oo katirsan Xaafada Howl-Wadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne .

Wariye kusugan Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in wali la maqlayo rasaasta ay is dhaafsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee diritu u dhaxeyso, walina lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Dagaalka Baladweyne kasocda.

Ciidamada AMISOM ee kusugan Magaalada Baladweyn ayaan wali ku bixin halka uu dagaalku kasocda, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dadaalo maamulka Dowlada iyo AMISOM ku doonayaan in dagaalkaasi lagu joojiyo.

Waxii Ka Soo Kordho kala Soco Shabakada Idale News Online

Idale News Online, Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here