Daawo:Wasiirka Gaashaandhiga “Ciidanka XDS Waxay u tababaran yihiin dhowrista xuquuqda aadanaha

0
233

Muqdisho (INO)— Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga caruurta la askareeyo iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka caruurta aan weli qaan gaari.

Wasiir Diini ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba dhowrayso heshiiskii horey ay ula gashay UNICEF, kaasoo dhigayay in aan la askareyn caruurta da’doodu ka yar tahay 18.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah, isagoo hoosta ka xariiqay in muddooyinkii la soo dhaafay qeybaha kala duwan ee Ciidamadda la tababarayay ay baranayeen ugu horeyn la dhaqanka bulshada iyo dhowrista xaquuqal Insaanka.

“Waxaa xil naga saaran yahay difaaca Xuquuqal-Insaanka, gaar ahaan ciidamadeena in aysan kamid noqon caruurta da’da yar, sidaad la socotaan Soomaaliya waxay horey u saxiixday heshiis caalami ah oo dhigaya in caruurta da’doodu ay ka yar tahay 18 aan la askareyn”ayuu yiri Wasiir Diini

“Soomaaliya hadda waa ka gudubtay waqtigii lagu eedeyn jirey ciidamadeedu in ay yihiin caruur iyo wax lamid ah. Dhowr iyo toban sano oo dagaallo sokeeye ay jireen, kadib, maanta waxaan hormuud ka nahay dadka u diyaarsan dhowrista shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha xuquuqal insaanka”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiir Diini oo sii hadlayay ayaa yiri “Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa la baraa shuruucda kala duwan ee dhowridda xaquuqal insaanka, gaar ahaan waqtiyada dagaalka sidaa la socotaan Soomaaliya waxaa ka socda qeybo kamid ah dagaallo u dhexeeya dawladda iyo cadowga Al-shabaab oo adeeggsanaya caruur da’yar waana taa midda aan mar walba ku dhiiri gelino askarteena in ay ilaaliyaan xaquuqda dadka lagu qabto dagaalka”

U- qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga dhowrista xaquuqal Insaanka. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo gudbeyso waqtigii lagu tilmaami jirey mid kamid ah dalalka ugu xad gudubka badan Xaquuqal Insaanka Caalamka.

Kulanka Wasiirku la qaatay Wafdiga Q/Midoobey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Haweenka Marwo Sahra Cali Samatar iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir.

dii (1)dii (1)dii (2)dii (3)Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here