Baydhabo(INO)-Faaniitani maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay oo ka tirsan Kooxda Hubadalada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweyay garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ee Degmada Baydhabo.
Fanaaniinta soo gaareen Baydhabo Ayaa waxa Ka Mid ah Maxamed Axmed Qoomaal, Xasan Huburow, Muxidiin lama Lamadaarashooda iyo kuwo kale oo badan oo ka soo jeedaan Degaanada KG Soomaaliya.
Ujeedka fanaaniintaan ayaa waxa ay tahay inay sameeyeen bandh faneedyo oo ay ka dhigi doonaan magaalada isla markaana waxaa la filaa inay soo bandhigaan heeso, Riwaayado iyo Gabayo oo lagu qaadayo Luuqa Maayga.
Ugu dambeyntii, Waa markii ugu horeysay ee magaalada Baydhabo ee xarunta ay soo gaaran fanaaniin katirsan Kooxda Arlaadii sanado badan ka dib, ka dib markii ay maqanaayeen Degaanada KG Soomaaliya ayna shegaan in bandhig faned ay ku qaban donaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo