Muqdisho(INO)–Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Xaawo Max’ed Xasan oo maanta ka hadleysay Munaasibad lagu daah furayay Ol olaha ka hortagga Cudurka Jadeecada ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in la cirib tiro dabeysha,loona baahan yahay in si la mid ah loo raaciyo Cudurka Jadeecada.
Wasiiradda waxaa ay intaa ku dartay in markii la billaabayay Ol olaha la dagaallanka Dabeysha uu dhibicdii ugu horreysay liqay Madaxweyne Xasan Sh. Max’uud Sanadkii 2013kii,laguna guuleystay in la suuliyo.
Ol olaha Tallaalka Cudurka Jadeecada ayaa maanta laga daahfuray Muqdisho,waxaana uu socon doonaa ilaa 25ka Bishan laguna doonayo in lagu tallaalo 4,000,000 Milyan oo Carruur Soomaaliyeed ah.
Wasiiradda ayaa ugu baaqday Hooyooyinka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan hirgelinta howshan,waxaana ay ka codsatay in ay Carruurta keenaan goobaha lagu tallaalo Carruurta si loo ciribtiro Cudurka Jadeecada.
Waxaa ay ugu dambeyn Wasiiradda u mahad celisay Hay’daha Caafimaadka u q1aabilsan Qaramada midoobey oo ay ku amaantay howshii ay ka qabteen Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho