Daawo:Wararkii ugu dambeeyay weerarka Jaamacadda Ohio iyo ruuxii fuliyay oo noqday Somali

0
187

Ohio(INO)— Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka waxay sheegayaan in nin Soomaali ah uu weeraray jaamacadda Ohio halkaa oo uu ku dhaawacay sideed ruux kahor inta aan la dilin.

Ninka oo da’diisa lagu sheegay 18 sano jir ayaa ardey ahaa jaamacada Ohio oo ay dhigtaan inkabadan lixdan kun oo arday. Sideed qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii gaari uu jiirsiiyay dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii uu ka dagay gaariga uu billaabay inuu middi ku weeraro dadkii kale. Waxaa markii dambe ninkan dhalinyarada ah toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray. Ninka weerarka qaaday ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cartan waxana uu Cartan yimid dalka Maraykanka sanadkii 2014kii isaga iyo qoyskiisa.

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay. Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday. Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

Lama oga in falkan uu la xiriiro arrimo argagaxiso hase yeeshee dowlada Maraykanka saraakil u hadashay ayaa sheegay inay baaritaanku sameyn doonaan. Weerar noocan oo kale ah ayaa bishii September ee sanadkan waxaa wiil dhalinyaro ah oo asalkiisu Soomali yahay laguna magacaabi jirey Dahir Aadan uu ku weeraray xarun ganacsi oo  dalka Maraykanka gaar ahaan Minnesota dad halkas ka dukaamaysanayay isagoo dhaawacay sagaal ruux balse ugu dambeyntii uu askari Boolis ah diley.

 

weerar-ohioun-1

weerar-ohioun-2

weerar-ohioun-3

weerar-ohioun-4

weerar-ohioun-5

weerar-ohioun-6

weerar