RW kuxigeenka oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Qorshaha Horumarinta Qaranka

0
180

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta gudoomiyay kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka kaasoo ku saabsanaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Mr Carte ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in maamul goboleedyada laga la tashto Qorshaha Horumarinta Qaranka.

“Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka oo idil loo sameeyay, waxa inaga galay wakhti, maal, fikir, iyo xoogeenna si looga midho-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta dalka. Maanta waxa aan isugu nimid in aan u gogol-xaadhno dhameystirka iyo ansixinta QHQ. Sidaa darteed waa muhiim inaad talooyinkiina ku biirisaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan gobolada dalka’’.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Wasiirka iyo Wasaradda Qorsheeynta Qaranka iyo Wasiirada Wasaaradaha Qorsheeynta ee maamul goboleedyada, wuxuuna ku bogaadiyay wada shaqeeynta ka dhaxeysa.

cartacarta1carta2