Gaadiidleyda Muqdisho oo saaka ku dhawaaqay shaqo joojin

0
208

Muqdisho(INO)_ Gaadiidleyda ka dhex shaqeysa Magaalada Muqdisho gudaheeda, ayaa saaka ku dhawaaqay shaqo joojin, kadib markii sida ay sheegeen culeys uu kaga yimid lacago fara badan oo laga qaado.

Gaadiidka Bi-elka loo yaqaan ee dadweynaha ay raacaan ayaa shaqo joojintaan sameeyay, kadib markii sida ay sheegeen lagu qasbay inay galaan Caymis, taasi oo dhaqaale fara badan looga qaadaayo.

Wadayaasha gaadiidka ayaa saaka ku banaanbaxaya Nawaaxiga Saaybiyaano iyo Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, waxaana socota Banaanbaxa ay dhigayaan Gaadiidleyda.

Shirkad lagu magacaabo Takaful oo Caymiska ka shaqeysa, ayaa heshiis la gashay Dowladda Federalka Somaliya, Dowladana waxa ay culeys saartay gaadiidleyda oo dhaqaale fara badan ayaa laga qaadayaa, taasi oo keentay inay dhigaan Banaanbaxa.

Dadkii raaci jiray gaadiidka dadweynaha ayaa saaka lagu arkayaa iyaga oo lugeynaya wadooyinka Magaalada Muqdisho, mana haystaan gaadiid ay raacaan, marka laga reebo Mootooyinka Bajaajta oo qiimaha lagu raaco ay ugu yar tahay hal doolar.

Iskaashatada gaadiidka Gobolka Banaadir ayaa Dowladda Federalka Somaliya waxa ay ugu baaqeen arintaan inay wax ka qabato si looga gudbo dhibaatooyinka gaadiidleyda ay sheeganayaan.