Baydhabo(INO) Waxaa maanta Hoowlka Jaamacada Jubada Sare ee magaaladda Baydhabo ka dhacey munaasibad Ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey araday ka qalanjabisey machadka Golden oo Xariir la leh Jaamacada Jubbada sare ee magaaladda Baydhabo,kuwaas oo bartey Caafimaadka iyo Luuqada Ingriiska.
Munaasibadda waxaa goob joog ahaa masuuliyiinta Jaamacada Upper Jubba, Machadla Golden, Waxgarad iyo Qiibaha Kala Duwan Ee Bushada Magaalada Baydhabo.
Ardaydda maanta la gudoonsiiyey shahaadooyinka ee ka baxey machadka Golden ayaa tiro ahaan gaarayey 80 Ardey oo u badan haween dhalinyaro ah,waxaana ay soo barteen Caafimaadka qaybihiisa kala duwan mudo Lix bilood ah.
Maamulaha Machadka Golden iyo Madaxa Xafiiska Jaamacadda Jubada sare Dr. Idirs Cabdi Takhtar oo halkaas kalmado ka soo jeediyeen ayaa u hanbalyeeyeen aradaydda maanta aflaxdey ,waxaana ay sheegeen in ay maanta gaareen mid kamid ah hadafkoodi nolasha,maadama ay maanta qaadanayaan Shahaadooyin muujinaya waxa ay soo barteen.
Maamulaha Macahadka Golden Ee Baydhabo Waxa kale uu sheegey in Machadku uu mar walba danaynayo sidii uu dhalinyaradda Koonfur Galbeed Soomaaliya ama kuwa Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen kuwo barta Caafimaadka maadama Caafimaadku uu yahey waxa ugu muhiimsan ee la barto.
Ugu dambeyntii, Machadka Caafimaadka ee Golden ayaa ah machad Xariir la leh Jaamacadda Jubada sare Ee Magaalada Baydhabo ,waxaana machadku uu xarun wayn ku leeyahey Xaafada Isha Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo