Somalia oo Saxiixday Maanta Heshiis Caalami ah kana mid noqotay Dalalka ku Midoobay IORA

0
167

Bali(INO) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa maanta saxiixay Heshiiska Ururka Mideeya dalalka dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IORA. Intii uu socday shirweynihii wasiirada Dalalka ururkaasi oo lagu qabtay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.

Saxiixidda heshiiskan wuxuu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalalka ay ku midoobay IORA, taasoo dhiirri-gelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto Bad-baadada Badda, Ammaanka, ganacsiga, maal-gashiga, Maamulka kheyraadka badda, dalxiiska & is-dhaafsiga dhaqanka.

Mudane Hadliye oo hadal ka jeediyay shirkan ayaa wuxuu diiradda saarray in Somalia ay tahay xubin muhiim u ah Ururka IORA, ayna xiriir Wanaagsan oo wax-wadaagid ah ay la leedahay inta badan dalalka xubnaha ka ah dalladan, iyadoo aan u mareyno xubinimadeena waxaanu hiig-sanaynaa in aanu sii xoojinno, yagleelno xiriirro cusub oo Wax-wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya ka xubin ahaan kala xaajoon doontaa gab ahaan xubnaha IORA ka qayb-qaadasho iyo dano-wadaag horukac ballaaran ka geysan kara dhaqaalaha Somalia Bad iyo Berriba.

Ugu dambeyn, Wasiir Hadliye wuxuu xusay in Soomaaliya ay dhawri doonto Mabaadi’da Heshiiska (IORA) ee ku dhisan Wax-wadaagid iyo Hiigsi Guud oo isku xiran, is-ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya.