Prof. Jawaari oo Jawaab Ka Bixiyey wax uu ku sheegay Been Abuur Ay Warbaahintu Ka Sameysay.

0
236

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa jawaab ka bixiyey hadal been abuur ah oo si qaldan loo kala jaray kaasi oo lagu baahiyey Shabakadaha Internetka.

Teaser Image Prof. Jawaari oo Jawaab Ka Bixiyey wax uu ku sheegay Been Abuur Ay Warbaahintu Ka Sameysay

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey Shalay Munaasabadda furitaanka shir weynaha dib u heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed ee Baydhobo, ayaa sheegay in si loo dhaawaco Sumacadiisa ay sameeyeen Warbaahinta qaar  Muuqaal la saaray Cod bee abuur ah kaasi oo la geliyay Baraha ay Bulshada kuwa xariirto & Website-yada.

“Maanta shirkan furmaya aawgiis Website-yada oo dhan waxaa lasoo geliyey ninkii odayga ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waa taraaraxay oo Puntland ayuu weeraray, bal amarka Ilaaheey fiiri dulumka iyo daalimiinta waxa ay sameynayaan, 2013 inta anigoo jooga Odayaasha halkan anigoo kula shiraya anigoo idiin qudbeynaya oo hadlaya waatii telefoon la iisoo diray 11kii September 2013 howlgallo laga sameeyey xiligaas Puntland oo la igu yiri hada waxa socota ganacsato la xir xiray ” sidaasi waxaa yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baaralamaanka, ayaa xusay in aan waxba ka jirin Muuqaalka la soo dhigay Warbaahinta Internetka, oo uu markaasi Puntland ku dhaliilaayo inay qab qabasho ku heyso dadka kasoo jeeda Baay & Bakool.

Wuxuu sheegay in muuqaalkaasi la saaray cod uu sanad ka hor jeediyay, xilli Maamulkii C/raxmaan Faroole uu qab qabasho ka waday qaybo ka mid ah Magaalooyinka Puntland, isla-markaana aysan waxba iska gelin muuqaalka cusub iyo Codkii uu horey u jeediyay.

Prof. Jawaari, ayaa dadka Warxumo Tashiilka sameeya ku eedeeyay in ay Codka ka xireen Muuqaalka cusub ee uu maalmo ka hor jeediyay, isagoo markaasi kulan la lahaa dadka reer Baydhabo, lana saaray Codkii uu horey Puntland ugu eedeeyay inay dadkiisa xir xireyso.

“Intaas ayaa lasoo geliyey sida ma aragtaa kuwa Kirishtanka ah ee markii qurbaha aad joogto, gaallada muslimiinta lidka ku ah ee qur’aanka wax ka sheegaya aayad ayey ku weeydiinayaan waan idiin sheegayaa tusaale waxaan usoo qaadanayaa :-

(AL-RIJAALU QAWAAMUUNA CALA NISAA’I ) hakadka kaliya ayey istaagayaan horey uma soconayaan oo ma dhameystirayaan, tanina taas ayey la mid tahay oo hadalkeeyga lama dhameystirin,waxaan leeyahay Alle ka cabsada saxafiyiinta oo hadalka sida uu yahay usoo daaya maalintaasi waad joogteen” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Warbaahinta Puntland, gaar ahaan Website-yada, ayaa si aad ah u baahisay Shalay illaa Xalay Warka Been abuurka ah ee lagu sumcad dilayo Mas’uulka Qaran, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Prof. Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Idale News, Online, Muqdisho.