Dhageyso: Fanaanka Xasan Aadan oo Soo Hadlay.

0
382

Fanaanka Soomaalidu intooda badan garaneyso ee Xasan Aadan Samatar ayaa waxa uu ka hadlay warar warbaahinta Internetka ay isaga ka qoreen.

Shalay ayaa qaar kamid ah Website-yada Soomalaida waxay daabaceen warbixin sheegeysay inuu geeriyooday kadib muddooyinkaan dambe uu xanuunsanayey.

Halkan Ka Dhageyso.

 

[audio:http://www.midnimo.com/wp-content/uploads/2014/09/Xasan-Aadan-Samater-oo-la-wareystay.mp3|autostar=yes]

Hadaba Warkaasi ayaa been noqday kadib markii ay Eheladiisa qaar xaqiijiyeen in Fanaanka Soomaliyeed ee Xasan Adan Samatar uu nool yahay taasi oo keentay in qudhiisa Fanaanka uu saxaafada la hadlo isagoo beeniyey wararkii laga qoray.

Xasan Aadan Samatar ayaa isagoo jooga Dalka Holland waxa uu sheegay inuu Caafimaad qabo xitaa uusan xanuusan islamarkaana dad badan oo asxaabtiisa ah ay kusoo wargeliyeen markii ay arkeen warbixinta lagu daabacay website-yada Soomaalida oo dhimashadiisa qoray laakiin ay beenoowday.

xasan adan samtar

Idale News, Online.