Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa weli la daalaadhacaaya dhibaatooyin ay ugu horeyso qalabkii ay ku howlgali lahaayeen iyo inta badan darawaliinta oo aan laheyn wax aqoonsi ama driver licence (Sharciga Wadista baabuurta).
Waxaa intaasi sii dheer in gaadiid aad u tiro badan ay soo buux-dhaafiyeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo oo aan haysan parking ama meelo baabuurta la dhigto oo ku filan xiliyada ay adeegooda, taasi oo ay ugu wacan tahay dhismayaasha ganacsiga magaalada Muqdisho oo aan intooda badan haysan parking ay macaamiishooda dhigtaan baabuurta, sidaas darteed darawiiliinta u suuq tagta magaalada ay halkey doono baabuurta dhigtaan taasoo ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ku noqotay caqabad iyo in si hufan u gutaan waajibkooda.
Dhibaatooyinka kale ee ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka “Traffico” waxaa ka mid ah gaadiidka waaweyn ee ciidamada AMISOM ee kolonya ama raxan ahaan isulu socda oo si xowli ah ku mara jidadka waaweyn, sidoo kale gaadiidka xamuulka qaada oo aad u raran, iyo kuwa dhismaha loogu talo galey oo ay iyaguna had iyo jeer xira wadooyinka wadnaha u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa yar yar ee faras magaaladaha magaalada Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo hadda qorshe ay dowladu ugu talo galey in lagu yareeyo dhibaatooyinka ka jira wadooyinka Muqdisho, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa magaalada iyo wadooyinka Muqdisho ku soo kordhaaya baabuur hor leh oo uga sii daray dhibaatadii wadooyinka Muqdisho horey uga jiray.
Idale News Online