Wasiirka Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Zafer Caglayan iyo Muammer Guler ayaa is casilay kadib markii wiilashooda lagu eedeeyay musuq maasuq, iyadoo dowladda Turkiga ay qaaday tallaabo lagu soo xir xiray ilaa 24-ruux oo baaritaano ku socdaan.
Labada Wasiir ayaa ku socday eedeymo la xiriiray arrimo musuq maasuq oo ay ku kaceen wiilshooda, waxaana arrintan ay saameysay dowladda oo dhan.
Dadka la soo eedeeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxii Bankiga dowladda ee Halkbanka, waxaana mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda fadeexada musuq maasuqa ee lagu helay wiilasha ay dhaleen Wasiirada Dhaqaalaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Tiro ka mid ah Saraakiisha Booliska ayaa laga eryay xilalkooda oo uu ka mid yahay Madaxa Booliska magaalada Istanbul, kadib markii ay ku lug yeesheen musuqa.
Ra’iisul Wasaare Recep Tayyib Erdogan ayaa ku hanjabay inay gacmaha jebinayaan, kuwa ay xafiiltamaan, kuwaasoo u isticmaalay arrimahan musuq maasuqa inay wiiqaan sharciga.
Idale News Online