Musharaxiintii Puntland oo ugu dambeyntii aqbaley Guddigii Xalinta Khilaafaadka ee Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole uu magacaabey

0
175

Musharaxiinta u tartamaysa hogaanka Puntland ayaa soo afmeeray khilaafkii mudadan ka dhex taagnaa Musharaxiinta iyo Madexweynaha ee ku saabsanaa magacaabida guddiga xillida baarlamaanka iyo xalinta Khilafaadka.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo warbaahinta la hadlay manta ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii ku salaysnaa magacaabida xubnaha guddigaasi wuxuuna sheegay in musharaxiintu ay tanaasulaad badan sameeyeen lana qaateen guddiga uu Madexweynuhu magacaabay kadib markii ay wada tashiyo badan ugu yimaadeen giddiyo iskood isku abaabulay iyo waxgarad badan oo reer Puntland ah.

go’aankan ayaa ka soo baxay kulan maanta ay musharaxiintu ku yeesheen magaalada Garowe kaas oo ay isku tuseen in wakhtigan wixii ka dambeeya uusan munaasab ahayn in khilaafkani uu sii jiro xilli doorashadii ay ka harsan tahay mudo kooban.

Musharaxiintu waxay go’aanka ku duugeen in ay aqbaleen guddigii uu dhawaan Madexweyne Faroole magacaabay waxayna xuseen in loo baahan yahay in guddigu uu si dhex dhexaadnimo ah u shaqeeyo, si muuqata oo aan daldalool lahayn uu shawshiisa u guto.

Musharaxiintu waxay dhanka kale shuruud uga dhigeen go’aankoodan ay ku tanaasulayaan in la helo oo la dhiso guddi Isimo ah oo marjac u noqda hawlaha guddigan uu qabanayo.

musharaxiintaPuntland

Qodobada ay sidoo kale musharaxiintu soo qaadeen waxaa ka mid ahaa in guddigu aysan ansixin ama gudbi xubin baarlamaan u sharax oo aan saxiix rasmi ah iyo ogolaansho aan ka wadan Isimka soo jireenka ah ee deegaanka uu ka soo jeedo, waxayna ka digeen in dad aan ahayn kiwii rasmiga ah oo wata warqado aan rasmi ahayn la anisixiyo si ay u fariistaan hoolka baarlamaanka.

Arrintani waxay imaanaysaa xilli mudooyinkii ugu dambeeyay uu aad u soo badanayay baaqa bulshada iyo waxgaradka reer Puntland ee ku aadan in xalka arrintan la gaaro, si doorasho xalaal ah ay wadanka uga dhacdo.

 

Idale News Online, Puntland