Daawo Sawiro: Hogaanka Saxafiyiinta Qaranka Ee NUSOJ Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyey Baydhabo

0
650

Baydhabo(INO)- Iyadoo Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug ay ka dhacdey doorashada Hogaanka Ururka saxafiyiinta Qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ.

ayna Saxafiyiinta Koonfur galbeed ay heleen Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee ururkaas saxafiyiinta qaranka Madaxa tababarada ururka, iyo Wakiilka Ururkaasi

Siweyn ayaa loogu soo dhoweeyey Maanta magaalada baydhabo waxaana ka qeyb qaatey soo dhoweynta Masuuliyiinta Wasiiro Ka tirsan dowlada koonfur galbeed Saxafiyiinta magaalada baydhabo Ururada Bulshada Haweenka Iyo Dhalinyarada iyo Masuuliyiin kale Soo dhoweyntoodi ka dib ayey bulshada kala hadleen garoonka bulshadii ay soo dhoweysey,

Ugu horeyn waxaa shacabkii garoonka ku soo dhoweyey la hadaley Maxamed cabdcasiis Salaad oo ah Wakiilka Ururka saxafiyiinta Qaranka ee Koonfur Galbeed Waxaa uuna sheegey in ay guul usoo hooyiyeen Saxafiyiinta

“Guul ayaan usoo hooyiney Saxafiyiinta Kunool Gobalada koonfur galbeed Gaar ahaan kuwa ka howgala magaalada baydhabo waxaana ku dadaalayaanaa si loo hormarin lahaa wariyaasha”ayuu yiri wakiilka gobalada koonfur galbeed

Madaxa tababarada saxafiyiinta qaranka Mukhtaar Maxamed catoosh waxaa uu hambalyo u direy ururka saxafiyiinta ku dhaqan magaaladsa baydhabo ayna taageeraan ururka saxafiyiinta qaranka ee nusoj

Gudoomiyaha Ku xigeenka ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ mudane cali ilyaas cabdulahi oo uu hogaaminayey wefdiga waxaa uu shegey in ay aad ugu faraxsanyihiin in si weyn loogu soo dhoweyo magaalada baydhabo

“Aad ayaan ugu faraxsanahey in manta si weyn lanagu soo dhoweyo magaalada baydhabo saxafiyiinta magaalada baydhabo ku howlgala waxaan aad ugu amaaneynaa soo dhoweyntoodi guulna waan usoo hooyiney”

Masuuliyiinta Ka tirsan koonfur galbeed ayaa aad usoo dhoweeyey wefdiga hogaanka saxaafada qaranka ayna kula dardaarmeen soo celinta xuquuqda saxaafada soomaaliyeed gaar ahaan saxaafada Koonfur galbeed.

Ugu danbeyn Doorashada Hogaanka qaranka iyo caleema saarka masuuliyiinta ka dib waxaa la isla garte in Tababarka ugfu horeeya ee saxafiyiinta soomaaliyeed Lagu qaban doono Magaalada baydhabo ayna ku wada imaan doonaan Gobalada Dalka soomaaliya Oo idil Guuleysta hogaanka Ururuka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Halkan Ka Daawo

  • 01020304050607080910111213141516170102030304060708091012131415Wariye Maxamuud Ibrahim Timacadde.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay