Muqdisho (INO) Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe ayaa ugu deeqay Soomaaliya 2 million oo lacagta Marekanka ah,sida lugu sheegay war-saxaafadeed ka so baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee New York.
Lacagtan waxaa la sheegay in loogu tala-galay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya,War-saxaafadeedka waxaa lugu muujiyay in qeybta hore lagu maal-gelin doono gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka kale oo aan la shaacin.
Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe,waxuu caddeeyay dowladda Soomaaliya inay u baahan-tahay sidii looga taageerri lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Warka ka soo baxay Qaramada Midoobay,waxaa kalo lugu sheegay in lacagtaan ay si toos ah ugu soo dhacayso bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ay maamusho.
War-saxaafadeedka luguma sheegin xilliga ay lacagtan soo gaarayso bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Sida yar ee uu dalka isbadalka u sameynayo ayaa lugu sheegay inay sabab u tahay siyaadinta dhaqaalaha ay Qaramada Midoobay ku bixineyso horumarinta Soomaaliya.
Soomaaliya oo wax ka badan labataan iyo shan sanno bur-bur ku jirtay,hadda waxaa loo arka dal soo kabanaya oo u baahan taageerro caalami ah.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay