Garowe(INO)-Wasaaradda warfaafinta Isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka dawladda Puntland ayaa xarumaha warbaahinta Puntland iyo Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ku wargalisay in wasaaraddu u baahan tahay, liiska shaqaalaha xarun walba oo warbaahineed, iyadoo intaas daba dhigtay digniin ah in wariyihii aan magaciisa la hayn uusan Puntland war ka diri karin oo ka shaqayn karin.
Warqada amarkaan wargalinta ah lagu soo saaray oo maanta kasoo baxday xafiiska Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde ayaa lagu sheegay in Liiska shaqaalaha xarumaha warbaahinta loo baahan yahay ka hor 25-ka bishaan July.
Halkan Ka Aqriso
Wariye Keyse Muse, Garowe
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay