Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta Si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri,iyadoo soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowladda Puntland ay ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiiro,Maamulka Gobolka Barri,Kan Degmada Boosaaso,Odayaal,Waxgarad,Haween,Dhalinyaro iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Boosaaso.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhamaanba gacan qaaday dadkii ka qayb qaadanayay soo dhawayntiisa oo qaybtood uga horyimaaden halka laga soo galo Magaalada Boosaaso .
So Dhoweynta kadib Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Puntland halkaas uu Madaxweynaha Puntland Shir jaraa’id Ku qabtay waxuuna ka hadlay safaradii uu ku soo maray qaar kamid ah gobolada Puntland inay aheyd u kuur galida xaalada nololeed ee shacabka ku dhaqan Gobolada Puntland.